Marwo Safiya: Haweenay Soomaalida Kenya ah oo rag kaga adkaatay doorasho

Qoraalka Muuqaalka, Marwo Safiya: Haweenay Soomaalida Kenya ah oo rag kaga adkaatay doorasho
Published

Safiya Cabdi Nuur ayaa noqotay haweenaydii ugu horraysay oo ka soo jeeda Waqooyi bari Kenya oo ka mid noqota Baaralamaanka iyadoo ka adkaatay rag la tartamayay.

Bulshada kasoo jeeda Waqooyi bari Kenya oo u badan xoola dhaqato, ayaa in badan oo ka mid ah waxa ay u arkaan inaan diinta iyo dhaqankoodu u ogolayn in haweenku ay hoggaanka bulshada qabtaan.

Xildhibaan Safiya Cabdinuur waxay warantay weriyaha BBC-da Suheyba Maxamed Badqas.