Xildhibaan Aaden Barre Ducaale oo ka hadlay qorshaha xisbigooda Jubilee

Qoraalka Codka, Xildhibaan Aaden Barre Ducaale oo ka hadlay qorshaha xisbigooda Jubilee
Published

Madaxweynaha waddanka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inuu dalkiisa ay dhibaato ka haysato dhanka garsoorka kaddib markii ay Maxkamadda Sare dhawaan waxba kama jiraan ku tilmaantay guushii uu ka gaaray doorashadii madaxtinimada ee la qabtay bishii la soo dhaafay.

Arrintan ayaa imanaysa kaddib markii Jimcihii ay Maxkamadda Sare sheegtay in wax isdabamarin ay ka jirtay codbixinta, sidaana ay ku amartay in 60 casho gudaheed lagu qabto doorasho cusub oo ah tan madaxtinimada.

Haddaba arrintan ayaa waxaannu ka wareysannay Xildhibaan Aaden Barre Ducaale, Hogaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya, oo u warramay Ciise Xaaji Cabdulle.