Cabdi Xirsi Ducaale oo ka hadlay cabashada kaluumeysatada

Qoraalka Codka, Cabdi Xirsi Ducaale oo ka hadlay cabashada kaluumeysatada
Published

Kalluumeysatada maxalliga ee Somaliland gaar ahaan kuwa Berbera ayaa waxa ay cabasho ka muujiyeen mar dhowaan BBC ku soo wareysatay magaaladaasi in maraakiib jirriif ahi marmarka qaakood ku soo dhowaadaan xeebta badda oo ay dhibaato u geystaan shabaakta iyo doonyahooda yar-yar ee ay ku soo kalluumeystaan.

Haddaba weriyaha BBC-da, Axmed Saciid Cige, ayaa ka wareystay cabashadaasi taliyaha guud ee ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland Admiral guuto / Cabdi Xirsi Ducaale, isagoo ugu horreyn weydiiyay waxa ay wax uga qaban waayeen maraakiibta shisheeye ee ku soo xadgudbaya kalluumeystada muwaadiniinta ah?