Dabayl xoog badan ku dhufatay UK

Xigashada Sawirka, PA
Published
Dadka gawaarida ku adeegsanaya UK ayaa looga digay in ay caqabado la kulmi doonaan saacadaha saxmadda iyada oo dabaylo xoog badan ay ku dhufteen UK Isniintan.
Dabaylo xoog badan ayaa la filayaa in ay ku dhuftaan koonfurta Wales iyo koonfurta-galbeed ee England.
Waxaa la filayaa in xoogaa roobab mahiigaano ah ay da'aan sidoo kale sida uu sheegay Dewhurst oo ka tirsan xafiiska saadaasha hawada.
Xafiiska saadaasha hawadu wuxuu soo saaray digniin jaale ah oo dabaysha la xiriirta taas ku wajahan Wales iyo Koonfurta galbeed.
Duufaan jaale ah ayaa lagu fasiraa calaamad muujinaysa in dadku ay "u sii diyaargaroobaan" cimilo xun, ayna u dhug la haadaan wararka uu soo saarayo xafiiska saadaasha hawada.








