Duufaanta Maria oo ku jihaysatay Virgin Islands iyo Puerto Rico

Xigashada Sawirka, AFP
Duufaanta Maria oo ah middii labaad ee ugu awood badnayd ee badda Atlantigga ka soo kacda xilligan ayaa ku sii wajahan jasiiradaha Virgin Islands iyo Puerto Rico.
Duufaaantan oo cabirkeedu yahay heerka shanaad ee dabaylaha ayaa haddaba dhibaato u gaystay jasiiradda Caribbean-ka ku taalla ee Dominica.
Si kooban ayay awoodeedu hoos ugu dhacday iyadoo heerka afraad gaadhay laakiin markale ayay xoogaysatay iyadoo saacaddiiba jaraysa 280km
Duufaanta ayaa ku socota isla khadkii ay haystay duufaantii Irma ee dhawaan dhacday iyadoo heerka shanaad ee duufaanta ku socotay.
Badhasaabka jasiiradda Puerto Rico ee Maraykanka ayaa dadka halkaas ku nool 3.5 milyan ah u sheegay in ay gabaad raadsadaan, duufaantuna waxay ku sii wajahan tahay Siddeeda subaxnimo ee wakhtiga jasiiraddaas oo u dhiganta 4 ama 10 galabnimo ee saacadda geeska Afrika.
Saraakiisha deegaankaasi waxay ka cabsiqabaan in ay halis ka timaaddo burburkii duufaantii hore ee Irma marka ay ku dhufato duufaantan cusub.
Waxaa kale oo jira cabsi laga qabo in uu soo go' dhul joogiisu sarreeyo marka ay da'aan roobab mahiigaanno ah.









