Kenya: Khilaafka ka taagan go'aankii Maxkamada Sare
Maalmahanba waxaa kenya ka taagnaa dood xoogan oo ku saabsan doorashada ku celiska ah ee ay maxkamada sare go'aamisay in lagu qabto laba bilood gudahood.
Gudoomiye ku xigeenka maxkamada sare, Philomena Mwilu, oo faahfaain ka bixinaysay sababta maxkamadu u amartay in doorashada lagu celiyo ayaa sheegtay in hanaanka doorashada uusan ahayn mid hufan oo la xaqiijin karayey.
Basle taageerayaasha madaxweyne Uhuru Kenyatta oo loogu dhawaaqay inuu doorashada ku guulestay ayaa ka mudaharaadayey waxa ay ku sheegeen faragalinta maxkamada sare ee doorashada.
Hadaba la taliyaha madaxweyne Kenyatta ee arimaha dastuurka, Cabdiqaadir Xuseen Maxamed (Cabdiqaadir Looyar) ayaa Cabdifataax Ibraahim Cagayare uga waramay aragtida madaxweynaha iyo xisbigigiisa talada hayaa ka qabaan go'aankii maxkamadda sare.