Sideebuu u socdaa ololaha doorashada Jarmalka?
Published
Waxaa berrito dalka Jarmalka ka qabsoomeysa doorasho guud, iyadoo maantana uu ku egtahay ololaha doorashada dalkaasi.
Isu soo baxyadii ugu dambeyay ayey xisbiyadu qabanayaan,
Waxaa la saadaalinayaa in aqlabiyadda doorashada uu ku guuleysto Xisbiga Angela Markel ee CDU , sidaana ay ugu soo laaban doonto markeedii afraad shaqada dalkaas ugu sarreysa.
Dhanka kale musharaxa xisbiga AfD, Alexander Gauland, oo ay Merkel tartamayaan, ayaa isna isu soo baxa ugu dambeeya qaban doona.
Haddaba sida uu ololaha dalkaas uga socdo ayaa waxaannu ka wareysannay Cabdulqaadir Maxamed Axmed oo ah aqoonyahan deggan dalkaasi Jarmalka kana warama arrimaha caalamka, waxa uu u warramay weriyaha BBC-da Xasan Cali Geelle.