Ciidammada Ciraaq oo dib u qabsaday Hawija

Xigashada Sawirka, AFP
Ciidammada Ciraaq ayaa sheegay in ay dib u qabsadeen Hawija oo ka mid ah goobihii ugu dambeeyay ee ku harsan gacmaha kooxda isugu yeerta Dawladda Islaamka.
Arbacadii ayay sheegeen in ay dileen 196 ruux oo ka mid ah Malayshiya ayna dib u qabsadeem 98 tuulo.
Aagaas waxaa ku nool tobannaan kun oo shacab ah oo waxay ku hoos jireen maamulka Malayshiyada tan iyo sannadkii 2014kii.
Dib u qabsashadam ayaa ka dhigaysa in hal goob oo kali ah ay ku soo hartay gacanta kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka, marka laga hadlayo dhulka ku dhereran xadka galbeed ee uu dalkaasi la wadaago Suuriya.
Kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ayaase wali gacanta ku sii haysta qaybo ka tirsan dhulka Suuriya.
Ciidammada, booliiska iyo kuwa sida milatariga u tababaran ee Ciraaq oo iskaashanaya ayaa dagaal ku qaaday "Kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka "waxayna la wareegeen bartamaha magaalada Hawija waxayna sii wadaan in ay guulo gaaraan" ayuu yiri lataliyaha ciidammadaas gaashaanle dhexe Abdel Amir Yarallah
Telefishinka dawladduna wuxuu baahiyay in ciidammadu ay si buuxda ula wareegeen Hawija oo idil.








