Dhimashada California oo sare u sii kacday

Shaqaalaha dab damiska oo la daalaa dhacaya xakamaynta dabka ka kacaya deegaanka Santa Rosa

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Shaqaalaha dab damiska oo la daalaa dhacaya xakamaynta dabka ka kacaya deegaanka Santa Rosa
Published

Tirada dadka la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dabka ka kacay waqooyiga California ayaa gaartay 31 ruux, iyada oo saraakiishu ay ka digayaan in xaaladdu ay ka sii dari karto.

Boqolaal dad ah ayaa wali la la'yahay ka dib markii ay kaceen 22 dab oo xoog badan.

In kabadan 8,000 oo shaqaalaha dab damiska ah ayaa isku dayaya in ay xakameeyaan dabka.

Dabkan kaymaha ka soo billawday ayaa burburiyay 3,500 oo dhisme iyo 68,800 hektar oo dhul ah, waxaana ku barakacay 25,000 oo ruux.

Qoraalka Muuqaalka, Deegaannada California ee dabku dhulka la simay
Maxaabiista ayaa loogu yeeray in ay gacan ka gaystaan daminta dabka

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Maxaabiista ayaa loogu yeeray in ay gacan ka gaystaan daminta dabka

Toddobo iyo toban ruux ayaa hadda la xaqiijiyay in ay ku dhinteen deeganka Sonoma, deegaanka Mendocino waxaa ku dhintay siddeed ruux, halka afar ruux ay kaga dhinteen deegaanka Yuba, iyadoo labo kalana la xaqiijiyay in ay ku dhinteen deegaanka Napa.

Dhimashadan cusub ee la soo sheegay ayaa dabkan kaymaha ka dhigaysa kii ugu xumaa ee California ka dhaca tan iyo 1933dii, markaas oo dab uu Los Angeles ku dilay 29 ruux.

Dabaylihii xoogga badnaa ee sii hurinayay dabka ayaa maalmahan dambe hoos u dhacay, laakiin waaxda saadaasha hawadu waxay ka digayaan in dabayshu ay dib u xoogaysan doonto habeennimada Jimcaha.

Wixii ka soo haray deegaanka Santa Rosa ee dabku burburiyay

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Wixii ka soo haray deegaanka Santa Rosa ee dabku burburiyay

Khariidadda hoose waxay muujinaysaa goobihii uu dabku ka sii kacayay 12 Oktoobar 2017 ee Waqooyiga California

Map showing active wildfires in California