Shacabka Austria oo maanta u dareeray doorashada guud

Xigashada Sawirka, AFP
Published
Shacabka dalka Austria ayaa maanta u dareeray doorashada guud ee dalkaasi, waxaana la sadaalinayaa in ninka lagu magacaabo Sebastian Kurz ee ka soo jeeda xisbiga muxaafidka uu ku guuleysto doorashada.
Haddii Sebastian Kurz uu ku guuleysto doorashada ayaa waxaa uu noqonayaa hogaamiyaha ugu da'da yar qaarada Yurub.
Xisbiga midigta fog ee sida aadka uga soo horjeeda muhaajiriinta ayaa waxaa uu kaalinta labaad ee doorashada kula loolamayaa xisbiga kale ee Freedom part.
Xisbiga Freedom ayaa la rumeysanyahay in uu heysto fursad wanaagsan oo uu uga qeyb geli karo dowladda isbaheysi.








