South Sudan oo UNESCO u gudbisay liiska goobo taariikhi ah

Askar ka tirsan ciidanka dawladda South Sudan

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Askar ka tirsan ciidanka dawladda South Sudan
Published

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka ee UNESCO ayaa sheegtay in South Sudan, oo ay dagaalo sokeeye ka socdaan, ay markii ugu horeysey u gudbisay liis ay ku qoran yihiin goobaha loo aqoonsan karo dhaxal aadame oo ku yaal dalkaas.

Goobahaas waxa ka mid ah, dhulka biyo fadhiisinka ah ee Sudd oo ah goobta ugu weyn dunida ee biyo fadhiisin dabiiciya ah.

Goobaha kalena waxa weeye meesha ay bannaanada ay cawshu daaqdo ee ay xiliyada sanadka kolba dhan ugu hayaanto, goobta saddexaadna waa qalcad la dhisey xilligii addoonsiga.

Liiskan ayaa ah kii ugu horeeyey ee South Sudan ku dooneyso in ay goobahaa dalkeeda ku yaal noqdaan goobo loo aqoonsado in ay yihiin dhaxal aadame, hadii codsigeeda la aqbalona waxa suurto gelaysa in caalamka ka dalbato in lugu caawiyo dhaqaale lagu daryeelo oo lagu ilaaliyo goobahaas.