Ciidamada Ciraaq oo la wareegay magalada Kirkuk

Militariga Ciraaq ayaa sheegay in goobaha ay la waregeen ay ka mid tahay xarumo shidaal

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Militariga Ciraaq ayaa sheegay in goobaha ay la waregeen ay ka mid tahay xarumo shidaal
Published

Ciidamada dowladda Ciraaq ayaa si buuxda ula wareegay magaalada lagu muransan yahay ee Kirkuk.

Ciidamada Ciraaq ayaa waxa ay magaaladan kala wareegeen dagaalyahanada Kurdiyiinta ka dib howlgal socday muddo ka yar 24 saacadood.

Gawaari gaashaaman ayaa lagu arkayay bartamaha magaalada waxaana calanka Ciraaq laga taagay xarumaha dowladda.

Kumannaan qof oo rayid ah ayaa isaga qaxay magaalada Kirkuk .

Militariga Mareykanka oo horey u taageeray dowlada Ciraaq iyo Kurdiyiinyiinta ayaa waxa ay ku baaqeen in khilaafka lagu xaliyo wadaxaajood.

Madaxwayne Trump ayaa aqalka cad ugu sheegay wariyayaasha in Mareykanka aysan dhinacna u xaglin doonin.

Qabsashada magaalada Kirkuk ayaa ku soo beegmaysa todobaadyo uun ka dib markii dadka Kurdiyiinta ay u codeeyeen afti madaxbanaani.