Xisbiga Jubilee oo ku adkeysanaya in Kenya ay doorasho ka dhaceyso
Published
Iyadoo afar maalmood oo kaliya ay ka harsan doorashada madaxtinimada ee ku celiska ah ee Kenya ayaa waxaa su'aal la gelinayaa hufnaanta Guddiga Doorashooyinka.
Mucaaradka ayaa ka biyo diiddan inay ka qeyb qaataan doorashada iyagoo ku eedeeyay guddiga doorashooyinka inay dhinac u xaglinayaan.
Guddigase eedahaasi waa uu iska fogeeyay.
Xisbiga haya talada ee Jubilee ayaa isna ku adkaysanaya in doorashada lagu qabto waqtigii loo asteeyay.
Haddaba xildhibaan Aadan Keynaan Wehliye waa xubin sare oo ka tirsan xisbiga haya talada ee Jubilee, Ciise Xaaji Cabdille.