Wararka BBC Somali ee loogu akhriska badnaa isbuucan
Halkan akhriso qaar ka mid ah sheekooyiinkii loogu akhriska badnaa isbuucan ee aan ku daabacnay barta BBC Somali
Maqaalkan wuxuu ku saabsan yahay waxa aan ka ognahay saacadaha aan hurudno iyo saamaynta ay ku leedahay nolosheena, caafimaadkeena iyo maskaxdeena

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dilkii qaarijinta ahaa ee loo geystay madaxweynihii hore ee Maraykanka John Fitzgerald Kennedy ayaa waxa ay ahayd dhacdadii ugu naxdinta badnayd ee dhacday qarnigii 20-aad.

Xigashada Sawirka, .
Booliiska Pakistan ayaa xiray haweenay aroosad ahayd, taas oo markii lagu guda jiray arooskeeda sun caano ugu dartay dadkii ka qaybgalayay, halkaasna ay ku dhinteen illaa 15 qof.

Xigashada Sawirka, AFP/GETTY IMAGES
Siciid Maxamed oo ah hal abuure ganacsi oo da'yar ayaa Soomaaliya kusoo kordhiyay ganacsiga qadka internetka oo badeecooyinka laga dalbado.

Xigashada Sawirka, INNOVATE VENTURES
Dowladda federaalka oo ka jawaabeysay weeraradii ugu dambeeyay ayaa shaqada ka joojisay taliyayaasha ciidamada amniga iyo nabadsugidda. Haddaba tallaabadaasi amxay soo kordhin kartaa?

Xigashada Sawirka, Villa Somalia
Arrintan xanuunka ilmaha qaxootiga ah ayaa noqotay mid siyaasadeed, waxaana soo baxay warar sheegaya in carruurtan ay jilayaan xanuunka, ama waalidkood ay sun siinayaan si ay u helaan degenaansho.

Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa markii u horraysay dumarka u ogolaandoonta in ay daawadaan ciyaaraha garoommada lagu qabto sannadka soo socda, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Xigashada Sawirka, AFP
Laanta sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa baahisay ku dhowaad 470,000 oo faylal oo la helay intii uu socday howlgalkii 2011-kii lagu dilay hoggaamiyihii hore ee Al-Qacidda, Osama Bin Ladin

Xigashada Sawirka, Getty Images












