Guddiga doorashada Somaliland oo sheegay inay diyaar u yihiin qabshada doorashada
Published
Guddiga doorashooyinka Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa sheegay inuu diyaariyay dhammaan qalabkii iyo goobihii ay codbixintu ka dhici laheyd.
Hadalka guddiga ayaa imanaya iyadoo maalin un ay ka harsan tahay doorashada madaxtinimada taas oo ay isu diiwaangeliyeen in ka badan 700 oo kun oo qof.
Haddaba gudoomiyaha guddigaasi, Cabdulqaadir Iimaan Warsame, ayaa waxa uu magaalada Hargeysa ugu warramay weriyahayaga Bashkas Jugsodhacay oo halkaas safar shaqo ku jooga.