Trump oo "xiriir wanaagsan la leh" Duterte

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu "xiriir wanaagsan" la leeyahay dhigiisa Philippine, Rodrigo Duterte ka dib markii ay magaalada Manila ku yeesheen kulan aad looga war sugayay.
Trump walaac kama muujinin ficillada xuquuqda aadanaha ka dhanka ah ee dalkaas ka dhaca, inkastoo ay jireen baaqyo loo soo jeediyay oo ku aadan in uu sidaa yeelo.
Maamulkii hore ee Maraykanka ayaa ka hadlay sidii ay uga soo horjeedeen dagaalka daroogada ka dhanka ah ee uu wado Duterte kaas oo dilay ku dhawaad 4,000 oo ruux.
Trump ayaa ku jira gababada socdaal dheer oo uu Aasiya ku marayo.
Kulankan u horreeyay ee Trump iyo Duterte oo ka dhacay shirka dhaqaalaha ee sannad-laha ah ee magaciisa loo soo gaabiyo Asean, ayaa aad loola socday maadaama oo labadan masuulba lagu yaqaanno hadallo muran dhaliya oo cadcad iyo in aysan haddallada la gabanin.
Ka dib markii ay kulanka khaaska ah yeesheen, madaxweynaha Maraykanku wuu diiday in uu ka jawaabo su'aalihii la waydiiyay ee ahaa in ay ka wada hadleen arrimaha xuquuqda aadanaha, halka afhayeenka Duterte-na uu sheegay in mawduucaas aysan ka wada hadlin labada masuul.
Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay sannadkii 2016kii, Duterte ayaa xooga saaray dagaal ka dhan ah daroogada Philippine, dadka dhaliilana waxay ku eedeeyeen in uu wax u dhimayo xuquuqdii aadanaha.
Wuxuu dhiirigaliyay in la dilo kuwa ku lug leh ka ganacsiga daroogada, wuxuuna sheegay "in uu ku farxi lahaa" haddii la dilo saddex milyan oo daroogo la qabatimay oo dalkiisa ku sugan.
Booliisku waxay sheegeen in ay dileen ku dhawaad 4,000 oo ruux intii ay wadeen dagaalka ka dhanka ah daroogada tan iyo 2016kii, in kabadan 2,000 oo ruux oo kalana waxaa lagu dilay dambiyo daroogo la xiriira.

Xigashada Sawirka, AFP
Hees jacayl ah iyo mudaaharaadyo
Trump iyo masuuliyiinta kale ee ka qaybgalaya shirka Asean ayaa horay ugu sii kulmay kulan casho ah oo Axaddii ka dhacay magaalada Manila, intii uusan shirku billaabanin.
Fiidnimadaas intii lagu guda jirayna Duterte ayaa fuulay masraxa wuxuuna qaaday hees jacayl ah oo Filipino ah oo aad loo jecelyahay, intaas ka dibna wuxuu sheegay in amarka uu heesta ku qaaday uu bixiyay madaxa ciidammada qalabka sida ee Maraykanka.
Dad mudaaharaadaya ayaa wadooyinka Manila isugu soo baxay Axaddii iyo Isniintii iyaga oo ka soo horjeeda booqashada Trump, waxayna wateen boorar ay ka mid ahaayeen "Trump gurigaaga ku laabo" iyo "mamnuuca Trump waa argagixisada koobaad".
Booliiska rabshadaha ka hortaga ayaa adeegsaday biyo diiran iyo waxyaabo kale si ay ukala eryaan mudaaharaadayaasha.
Booqashada Trump uu ku joogo Philippines ayaa gabogabo u ah safar uu madaxweynaha Maraykanku ku soo maray shan dal oo ku yaala Aasiya, wuxuuna horay u soo booqday Japan, Kuuriyada Koonfureed, Shiinaha iyo Vietnam.












