Borussia Dortmund oon safaynin Pierre-Emerick Aubameyang arrimo anshax

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kooxda Borussia Dortmund ayaan soo safaynin ciyaaryahankooda afka hore uga dheella ee Pierre-Emerick Aubameyang sababo anshax la xiriira.
28 jirkan ayaan la soo safi doonin ciyaarta ka tirsan koobka Bundesliga ka tirsan ee kooxdiisu ay Jimcahan la yeelan doonto kooxda VfB Stuttgart.
Dortmund ayaa ganaaxa la saaray ciyaartoyga ku sheegtay iyadoo u jawaabaysa taageere su'aal ku soo waydiiyay Twitterka balse faahfaahin kama aysan bixinin sababta ay u ganaaxday.
Ciyaaryahankan qaranka Gabon u dheela ayaa sannadkii hore laga ganaaxay safar ay Talyaaniga ugu baxayeen.
Arrintanina waxay imaanaysaa iyadoo Dortmund laga badiyay saddex ka mid ah afartii kulan ee u dambeeyay.
Kaalinta saddexaad ayayna hoos ugu soo dhaceen iyagoo lix dhibcood ka hooseeya Bayern Munich oo hogaaminaysa koobka Bundesliga.
Naadiga Tottenham Hotspur ayay Talaadada la ciyaaridoonaan ciyaar ka tirsan Horyaallada Yurub ee Champions League.








