Gudiga doorashada Soomaaliland oo ka jawaabay eedaymaha uu xisbiga waddani u soo jeediyay

Qoraalka Codka, Gudiga doorashada Soomaaliland oo ka jawaabay eedaymaha uu xisbiga waddani u soo jeediyay
Published

Xaaladda xaafado ka mid Hargeisa iyo Burco oo ay rabshado ka dhaceen maalin ka hor ayaa haatan deggan, iyadoo ay isa soo tarayaan baaqyada nabadda ee soo baaxaya.

Natiijada doorashada ayaa weli la sugayaa, iyadoo ay u muuqato haatan in xisbiga mucaaradka ee Waddani uusan ku qanacsanayan sida ay wax u socodaan.

Afhayeenka Guddiga doorashada Saciid Cali Muuse oo eedeymaha mucaaradka ka jawaabaya ayaa u warramay weriyaha BBC-da Axmed Badar.