Falastiiniyiinta "oo xiriirka u jaraya" Mareykanka

Trump oo heysta 90 maalmin oo uu ku joojiyo xiritaanka xafiiska Ururka Xoreynta Falastiin ee Washington

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Trump oo heysta 90 maalmin oo uu ku joojiyo xiritaanka xafiiska Ururka Xoreynta Falastiin ee Washington
Published

Ururka Xoreynta Falastiiniyiinta, ayaa digniin ku bixiyay inuu xiriirka u jarayo Maraykanka, haddii ay ku dhaqaaqado tallaabada ay ku xireyso xafiiska ururku ku leeyahay Washington.

Muuqaal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayaa xoghaya guud ee ururka Saa'ib Cureyqaat waxa uu ku sheegay in tallaabadaasi ay tahay wax "aan la aqbali Karin".

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in Ururka Xoreynta Falastiiniyiinta ay suuragal tahay in joogitaankiisa iyo in Ururku kasii howlgalo Maraykanka uu jabinayo qodob sharci ah.

Sharciga Mareykanka ayaa dhigaya in mas'uuliyiinta Falastiiniyiinta aysan cadaadis ku saari karin Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah inay baaritaan ku sameyso Israil.

Ururka Xoreynta Falastiiniyiinta oo loosoo gaabiyo PLO, oo ay u arkaan beesha caalamka inuu matalo dhamaan Falastiiniyiinta, ayaa xafiis ka furtay magaalada Washington sanadkii 1994

Waa markii ugu horreysay oo waaxda arrimaha dibadda Mararykanka ay diido inay u kordhiso rukhsad lix biloo dah oo ururkani uga howlgalo dalkaasi.