Muxuu ka dhiganyahay sharci ahaan go'ankii golaha shacabka ee dhibistii Qalbi Dhagax?
Published
Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa shalay sharcidarro ku tilmaamay go'aankii xukuumadda Soomaaliya ay ugu gacan gelisay Itoobiya Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) bishii Agosto ee sanadkan.
Baarlamaanka oo shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale caddeeyay in jabhadda ONLF aysan ahayn mid argagixiso ah.
Haddaba, sharci ahaan arrintaan maxay ka dhigantahay su'ashaasi iyo kuwa kale ayaan hordhigay Abukaate Zakariya oo ka tirsan hay'adda xasaradaha adduunka ee ICG, waxa uu u warramay weriyaha BBC-da Bushra Nuur Maxamed.