Qaramada midoobay oo sheegtay in ay hoos u dhacday tirada tahriibayaasha ka talaaba Mediterranean-ku

Tahriibayaal laga soo badbaadiyey badda Mediterranean

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Tahriibayaal laga soo badbaadiyey badda Mediterranean
Published

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in tirada dadka tahriibta ah ee ka soo tallaabaya badda Mediterranean-ka ee dalka Libya ay aad hoos ugu dhacday.

Hay'adda qaxootiga ee UNHCR waxay sheegtay in ku dhowaad 22 kun oo qof ay dariiqaas ku yimaaddeen saddexdii bilood ee la soo dhaafay ilaa dhammaadkii September, taas oo noqonaysa saddex meeloodow meel tiradii marinkaas ka soo gudubtay isla xilligaas sanadkii hore.

Boqolaal kun oo Afrikaan ah ayaa Liibiya u safra sannad walba iyaga oo isku dayaya in ay qaaradda Yurub u tallaabaan.

wadada ay tahribayaasha ka talaaban
Qoraalka sawirka, wadada ay tahribayaasha ka talaaban

Badanaa waxaa qabsada dadka wax tahriibiya, waxaana lagu qabsaa in ay ku shaqeeyaan lacag la'aan ama waxa aad u yar baa la siiyaa.

Mar sii horeysay, Dowladda Faransiiska ayaa ku baaqday kulan golaha amaanka qaramada midoobay ku falanqaynayo sida xun ee loola dhaqmayo muhaajiriinta Liibiya.

Dhaqaaqani wuxuu imanayaa ka dib warar ka yimid Liibiya yidhaahdeen muhaajiriinta Afrika in adoomo ahaan loo iibiyo.

Kulan uu la yeeshay madaxda midowga afrika ayaa madaxweynaha faransiiska Emmanuel Macron ku tilmaamay iibkaa dambiyo ka dhana biniaadanimada waxaanu ku daray in wax badan loo baahanyahay in la qabto si loo dumiyo shabakadaha dadka kootarabaaniya.

Wasiirka arimaha dibada Jean-Yves Le Drian ayaa yidhi cunoqabatayn caalamiya in lagu soo rogo hadii maamulada Liibiya qaadi waayaan fal lagu dhamaynayo dhaqankaa.