Shan arrimood oo sare loogu qaadi karo dhaqaalaha liicay ee Zimbabwe

Xigashada Sawirka, AFP
Dhacdooyiinkii ka dhacay Zimbabwe ayaa muujinaya in hal toddobaad ay tahay xilli dheer marka dhanka siyaasada laga eego,balse waa il biriqsi marka laga eego dhanka dhaqaalaha.
Dadka reer Zimbabwe ee isugu soo baxay waddooyiinka Harare iyo Bulawayo ayaa laga yaabaa in ay aad ugu raja wayn yihiin isbadalka siyaasada ,balse waxay kaga sii rajo badan yihiin marka ay timaado dhanka kobaca dhaqaalaha.
Madaxwayne cusub waa la dhaarin karaa waxa ayna qaadan kartaa oo kali ah maalmo ama toddobaadyo,balse sanado ayay qaadanaysaa in dhaqaalaha burburay dib boorka looga jafo.
Madaxwayne Emmerson Mnangagwa ma awoodi doonaa in uu sare u soo qaado dhaqaalaha uuna ugu yaraan ku rido dhabada dib u soo kabashada?
Dadka lafa gura arrimaha dhaqaalaha ayaa shaki ka qaba in uu muuqdo xal degdeg ah oo loo helo dhaqaalaha.
Farxaddii ruxday qaranka Zimbabwe ayaa sare u qaaday rajadda ku aadan in mustaqbalka uu ifayo.
Balse haddii la doonayo in ay dhab noqoto kobaca dhaqaalaha Zimbabwe ayaa waxaa looga baahan yahay dowladda in ay sameeyoso isbadlo asaasi ah.
In la helo lacag caddaan ah
Tillaabadda ugu horreysa ee uu u baahan yahay madaxwayne Mnangagwa in uu qaado si dhaqaalaha sare loogu soo qaado ayaa ah in la helo lacag adag.

Xigashada Sawirka, .

Xigashada Sawirka, AFP
Zimbabwe ma lahayn lacag dalku leeyahay tan iyo 2009, ka dib markii sicir bararkii dalkaasi uu dilay doolarki hore ee Zimbabwe.
Tan iyo 2009 kii waxaa dalka Zimbabwe laga isticmaalayay lacagta doolarka Mareykanka iyo lacgta dalka Koonfur Afrika.
Sanooyiinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa dalkaasi ka taagnaa gabaabsi lacagta caddaanka ah taasi oo dhaqaalaha hoos u sii dhigaysay.
Yaa sare u qaadaya heerka lacagta caddaanka ah?
Wadamada reer galbeedka ee deeq bixiyayaasha ayaa wali ka walaacsan dowladda Zanu-PF ,waxa ayna u arkaan in Robert Mugabe uu badalay Mr Mnangagwa oo ay muddo soo wada shaqaynayeen.
Hay'ada caalamiga ah ee lacagta ee IMF ayaa ku tilmaamtay dhaqaalaha Zimbabwe uu yahay mid ka mid ah wadamada uu dhaqaalahooda cagaha adag ku taagnayn.
Shiinaha ayay suuragal tahay in uu noqdo wadanka ka faa'ida lacag ahaan marxaladaha ugu horreeya ee maamulka Mnangagwa.
Qaar ka mid ah dadka ayaa u arka, Mr Mnangagwa uu yahay Deng Xiaoping, reer Zimbabwe.
Deng Xiaoping waa hogaamiyihii Shiinaha ee bilaabay heerka dhaqaalaha furfuran ee dalka Shiinaha.
In meesha laga saaro siyaasadaha guracan lagana taqaluso Musuqmaasuqa
Kaba soo qaad haddii la helo lacag,maxaa xigga ka dib?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mr Mnangagwa ayaa looga baahan yahay in uu meesha ka saaro siyaasadaha dhaqaalaha ee caqabada ku ah maalgashadayaasha ajaaniibta.
Sanaddii 2009, Mr Mugabe waxa uu saxiixay sharcigii lagu xoojinayo dhaqaala ahaan dadka u dhashay dalka Zimbabwe taasi oo looga gol lahaa in 51% shirkadaha ay gacanta ugu jiraan dadka madowga ah ee reer Zimbabwe.
Wadaxaajood lala galo wadamada deemaha bixiya
Ku dhawaad 20 sano, Zimbabwe waxa ay cagaha kula jirtay deemo dhan 9 bilyan oo doolar.
Deemaha ayaa waxa loo baahan yahay in dib u habeen lagu sameeyo iyada oo ay gacan ka gaysanayo bangiga aduunka iyo hay'ada IMF.

Xigashada Sawirka, AFP
Mnangagwa ayaa waxaa u furan in uu heshiis cusub la galo IMF.
In la abuuro jawi hoos loogu dhigayo shaqa la'aanta.
Shaqooyiinka rasmiga ah ayaa si aad ah ugu yar Zimbabwe ,shaqa la'aanta ayaana maraysa 90%.
Kheyraadka kale ee la iska hilmaamay ayaa waxa ka mid ah khayraadka dabiiciga ah sida beeraha iyo Macdanta.
Si looga baxo shaqa la'aanta Zimbabwe ayaa waxaa loo baahan yahay in la helo rabitaan siyaasadeed iyo in si wanaagsan loo wajaho xaalada shaqa la'aanta dalka.

Xigashada Sawirka, Reuters
In la helo lacag ay leeyihiin reer Zimbabwe.
Mustaqbalka fog, Zimbabwe waxa ay u baahan tahay in ay hesho lacag uu dalku leeyahay .
Isticmaalka doolarka mareykanka ayaa noqotay mid lagama maarmaan ah ka dib markii doolarka Zimbabwe uu noqday mid aan qiimo badan lahayn.
Balse in lacag la daabaco ayaa waxaa ka sii muhimsan in la helo kalsooni ay ku shaqayn lahayd lacagtaasi.
.












