Garoonka diyaaradaha ee Qansax-dheere oo dib loo furay

Qoraalka Codka, Garoonka diyaaradaha ee Qansax-dheere oo dib loo furay
Published

Waxaa markii ugu horreysay ku dhawaad muddo sagaal sano ah dib loo furay garoonka Qansax-dheere ee gobolka Baay, kaa oo diyaarad ku soo degta ay ugu dambeysay sanadkii 2008-kii.

Garoonka ayaa hadda la dayac tiray waxaana shalay oo arbaca ahayd ka soo degtay diyaaraddii ugu horreysay muddadaasi tobanka sano ku dhow.

Haddaba garoonkaasi waxa uu ku soo kordhinayo dadka deegaanka aya weriyaha BBC-da Faadumo Macalin Abukar wax ka weydiisay guddomiayah degmadaasi Aadan Cabdi Qooqane.