Kooxda xuquuqda aadanaha ee Hargaysa oo ka hadashay tacadiyada ka dhanka ah wariyayaasha
Published
Hay'adda banaan ee u doodda xuquuqda bani'aadamka ayaa warbixinteeda sanadlaha ah uga hadashay tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka jira somaliland.
Hay'addu waxa ay si aad ah uga hadashay, xuriyatul qowlka saxaafadda iyo booliska oy ku eedeyeen in aysan u dhaqmin hababka sharuucda iyo dastuurka waafaqsan.
Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid cige ayaa ka wareystay gudoomiyaha xaruntaasi Guuleed Dalfac warbixintan ay soo saareen.