Dad ku dhintay shil gaari oo ka dhacay Birmingham

Gurmadka degdegga ah ayaa loo yeeray inay yimaadaan meel u dhow waddada Bristol 04:oo Afrikada bari
Qoraalka sawirka, Gurmadka degdegga ah ayaa loo yeeray inay yimaadaan meel u dhow waddada Bristol 04:oo Afrikada bari
Published
Waqtiga akhriska: 1 daqiiqo

Lix qof ayaa ku dhintay shil ka dhacay magaalada 2aad ee Ingiriiska ugu weyn ee Birmingham saaka arooryadii hore.

Halka uu shilku ka dhacay ayaa ahayd Belgrave Middleway, meel u dhow Edgbaston, xilli ay dadka intiisa badan jiifeen.

Ilaa 6 gaari ayaa ku lug lahaa shilkaas oo dhacay saaka 4tii aroornimo ee xilliga Afrikada bari.

Darawalka mid ka mid ah tagaasida madow iyo qof dumar ah oo rakaab ahayd ayaa isla goobta ku naf baxay, halka nin rakaab ahaa uu isna goor dambe isbitaalka ku dhintay.

Dhinaca kalena, 4 rag ah ayaa dhamaantood waxay ka faniineen gaari ay saarnaayeen, 3 ka mid ah ayaana isla markiiba dhintay. Qofka 4aad ayey xaaladiisu aad u liidataa.

Booliska West Midlands ayaa bartooda Twiterrka ku soo qoray in goobtu ay ahayd mid "xaaladeedu adag tahay oo laga calool xumaado" waxaana la xiray inta u dhaxaysa waddada Islington Row ilaa waddada Bristol Street.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Waxaa kale oo la sheegay in 3 gaari oo kale ay iyagana shil galeen, ayagoo isku dayayey inay ka bayraan halka uu shilka xumi ka dhacay.

Qof ka mid ah dadkii joogay markii uu dhilka dhacay ayaa booliska la xiriiray.