Dowladda Soomaaliya oo wafdi u dirtay xudduuda lagu muransan yahay ee Beledxaawo
Published
Xuduuda Kenya iyo Soomaaliya u dhaxeeya gaar ahaan magaalada Baladxaawo waxaa ka taagan khilaaf ku saabsan darbi ay dowlada Kenya halkaasi ka dhisayso.
Dowlada Soomaliya ayaa hadda halkaasi u dirtay wafdi si loo eego sida ay xaaladda tahay.
Cabdi Faarax Siciid, waa wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka ee Soomaaliya. Isagoo magaaladda Baladxaawo jooga ayuu u warramay BBC Somali.
Dhanka kale isku day xiriir oo aan la sameynay dhanka Kenya oo ku aadan arrintaan ayaa noo suuragali waayay.