Gabdhaha soomaaliyeed ee kalluumeysta
Published
Rayaan Abuukar Ali waa inan 18 jir ah oo ku dhalatay kuna barbaartay xerada qaxootiga Kaakuma ee Kenya. Laba sano hortood ayey Muqdisho ku noqotay, waxaanay geeridii aabeed ka dib guudka saaratay xilkii raadinta quutal yoomka qoyskooda, waxaanay u foof tagtaa badda oo waxay noqotay gabadha keliya ee ka la soo jilaabata kalluunka kumanaanka raga ee ka kalluumaysta xeebaha magaalada Xamar.
Weriyaha BBC-da Calinuur Salaad ayaa waahaya Rayaan warbixintan ka soo diray.