Fanaaniinta cusub ee internet-ka ku soo baxa

Qoraalka Codka, Fanaaniinta cusub ee internet-ka ku soo baxa
Published

Internet-ku waxa uu dunida u sahlay xidhiidh fudud oo is gaadhsiineed iyo gudbinta fariimaha maqal, qoraal iyo muuq intaba ah.

Hadaba dhalinyarada Soomaalida ee qurbaha ku dhaqan qaar badan oo ka mida oo ah hooballo, jilayaal iyo maadeeyeyaal soo kacaya ayaa waxa ay baraha bulshadu ku xidhiidho ee internet-ku u sahleen in ay hibadooda u soo bandhigaan Soomaalida dunida dacalladeeda ku nool. Weriyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xuseen, Shiine oo warbixintan ka soo diray dalka Maraykanka ayaa ku eegaya himiladoodaa hanoqaadka ah iyo habka ay internet-ka u adeegsadaan.