Abaar iyo biyo la'aan haysata qaybo ka mid ah gobolka Awdal

Qoraalka Codka, Abaar iyo biyo la'aan haysata qaybo ka mid ah gobolka Awdal
Published

Deegaannada xeebta galbeed ee gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa laga soo sheegayaa inay ka jirto abaar ba'an iyo xaaluf xilligan jiilaalka.

Guddoomiyaha gobolka Awdal Cabdillaahi Gaaxnuug ayaa ku dhawaaqay in ay ka jirto deeganadaasi abaar loona baahan yahay gurmad deg deg ah.

Cabdilaahi Gaaxnuug ayaa sheegay sidoo kale in kumanaan qof oo ah dadka ku nool deegaanadan ay u baahan yihiin gargaar deg deg ah, guddoomiyaha ayaana uga waramay sida abaartu ay u saameysay deegaanadaasi weriyaha BBC-da Axmed Badar.