Shir ka dhan ah adeegsiga hubka kiimikada oo ka socda Fransiiska

Mid ka mid ah shaqaalaha gargaarka oo waxyeelo ka soo gaartay weerar kiimiko ah

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Mid ka mid ah shaqaalaha gargaarka oo waxyeelo ka soo gaartay weerar kiimiko ah
Published

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson oo Fransiiska uga qeyb galaya shir ku saabsan adeegsiga hubka kiimikada ayaa sheegay in dowladda Suuriya ay weli adeegsaneyso hubka kiimikada kadib markii maalintii isniinta looga shkiyay in magaalada Ghouta ay u adeegsatay hub kiimika ah.

Mr Tillerson ayaa intaa ku daray in haddi tani ay run noqoto ay dowladda Ruushka dhabarka u ridaneyso mas'uuliyadda weerarka.

Safiirka Mareykanka ee Qaramada midoobay Nikki Haley ayaa iyaduna sheegtay in haddii arrintani ay dhab tahay ay dhabarka u ridan doonto dowladda Ruushka.

Sagaal iyo labaatan dal ayaa ka qeybgalay shirka Paris, waxaana in halkaasi lagu gaaro heshiis ku saabsan sidii looga hortagi lahaa kuwa adeegsada hubka kiimikada, cunaqabateyn na loogu soo rogi lahaa.