Somaliland oo tirakoobaysa shaqaalaha ajnabiga ah

Qoraalka Codka, Somaliland oo tirakoobaysa shaqaalaha ajnabiga ah
Published

Xukuumadda Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay waddo hawgal lagu tirakoobayo shaqaalaha ajanebiga ah ee ka shaqeeya Qaramada midoobay, hay'adaha samofalka caalamiga ah , iyo shirkadaha ba.

Wasiirka wasaaradda shaqaalaha iyo arimaha bulshada Hinda jaamac Xirsi ayaa cadeysay in aanu jiri doonin shaqo uu qaban karo qof muwaadin ahi oo uu haysto qof ajenabi ahi , iyadoo ay jirto shaqo la'aan haysata dhallinyarada Somaliland ee Jaamacadaha ka baxay.

Weriyaha BBC-da Axmed Saciid cige ayaa warbixintan nooga soo diray Hargeysa isagoo la hadlay wasiiradda, isla markaana eegaya sida dhallinyaradu u arkaan tallaabadani.