Dowladda Kenya: way sii xirnaan doonaan Telefishinadii hawada laga saaray

Waxaa hawada laga saaray shalay saddex Telifishan

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Waxaa hawada laga saaray shalay saddex Telifishan
Published

Saddex ka mid telefishanada madaxa banaan ee dalka Kenya ayaa hawada ka sii maqnaan doona ilaa amar danbe.

Telefishanadani ayaa la sheegay in ay qorshaynayeen in ay tabiyaan xafladdii uu madaxwaynanimada isugu dhaariyay Raila Odinga maanlintii shalay ahayd.

Wasiirka arrimahha gudaha ee Kenya Fred Matiang'i ayaa wariyayaasha u sheegay in xarumahani warbaahinta ay sii xirnaan doonaan ilaa baritaanada laga soo gabagabaynayo.

Telefishinada kala ah NTV, KTN iyo Citizen ayaa hawada ka baxay Talaadadii saacadu markay ahayd 9 barqanimo.

Bayaan ay soo saartay wasaarada arrimaha gudaha oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in baahinta xafladaasi ay u dhiganto "Isku day dowladda lagu afgembinayo taasi oo sababi lahayd in kumannaan Kenyan aan waxba galabsan ay ku naf waayaan".

Hasa yeeshee saxafiyiinta Kenyanka ayaa qaadacay tillaabadda lagu xirey telefishinada.

Waxa ay suxufiyiinta ku baaqeen "in dastuurka la xushmeeyo lana soo afjaro cagajuglaynta lagu hayo suxufiyiinta".

Wasaarada arrimaha gudaha Kenya ayaa ku tilmaamtay tillaabada ay qaadeen telefishanadani in ay tahay "mid xadgudub ku ah arrimaha ammanka ".

"Iyada oo laga duulayo wixii shalay dhacay , waxa aan bilaawnay baaritaan lagu bartilmaameedsanayo shaqsiyaad, xarumaha warbaahintana way sii xirnaan doonaan ilaa baaritanka laga soo afmeerayo." Ayuu yiri Mr Matiang'i

Mr Odinga ayaa shalay isu dhaariyay madaxwaynaha dadka Kenyanka ah ka dib markii uu ku andacooday in uu yahay qofka saxda ah ee doorashada ku guulaystay.