Duqaymo daran oo ka dhacay dalka Suuriya

Xigashada Sawirka, Reuters
Ugu yarraan 23 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay duulaan cusub oo xaga cirka oo dowladda ay ku qaaday deegaanada go'doonsan ee mucaaradku ay haystaan
Kooxaha wax badbaadiya iyo kooxaha korjoogayaasha ah ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ay duqeeyeen barriga Ghouta
Weerarkan ayaa dhacay maalintii arbacada ahayd waxaana ku burburay deegaano badan oo halkaasi ku yaallay
Waxaa weeraradani ku dhintay dad gaaraya 130 qof tan iyo markii la bilaabay Isniintii la soo dhaafay
Qaramadda Midoobay ayaa xaaladan ku tilmaamtay mid aad u darran waxayna dalbanaysaa kaalmo in la sameeyo.
Dad gaaraya afar boqol oo kun oo qof ayaa ku xaniban bariga magaaladda Ghouta halkaasoo ay dowladdu go'doomisay ilaa sanadkii 2013-kii
Waxaa jira cuno la'aan iyo shidaalka dawada. lix boqol oo qof oo xanuunsana oo dhaawac ahna waxay u baahan yihiin in loo gargaaro
Talaadadii la soo dhaafay ayaa ahayd maalin si darran loo duqeeyey deeganadaasi sideetan qof ayaana la dilay oo 21 ka mid ah ay caruur yihiin
Magaaladda Beit Sawa kaliya waxaa lagu dilay 10 qof sided kalena waxay ku dhinteen magaaladda Hamouriya












