Sawirrada todobaadkii tagay iyo Afrika

Published

Qaar ka mid ah sawirradii ugu xiisaha badnaa ee Toddobaadkan Qaaradda Afrika iyo Afrikaanka ku sugan meelaha kale ee caalamka.

Waa Shaneemo ku taalla Nairobi oo lagu daawanayo Filimka Black Panther Arbacadii

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Waa Shaneemo ku taalla Nairobi oo lagu daawanayo Filimka Black Panther Arbacadii
Simidele Adeagbo oo u dhashay dalka Nigeria oo u tartamaya Ciyaaraha barafka ee shafka lagu taraaraxo adiga oo bir ku taagsanaya.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Simidele Adeagbo oo u dhashay dalka Nigeria oo u tartamaya Ciyaaraha barafka ee shafka lagu taraaraxo adiga oo bir ku taagsanaya.
Khamiistii Sabrina Simader oo u dhalatay Kenya ayaa u tartamaysay nooc ka mid ah ciyaaraha barafka oo ulo iyo biro lagu ordo.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Khamiistii Sabrina Simader oo u dhalatay Kenya ayaa u tartamaysay nooc ka mid ah ciyaaraha barafka oo ulo iyo biro lagu ordo.
Maalinta jeceylka aduunka ee caasimadda Nigeria, ee Abuja, waxaa caado u ah in cidiyaha la marsado waxyaabaha la isku qurxiyo ka hor farxada maalintaas

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Maalinta jeceylka aduunka ee caasimadda Nigeria, ee Abuja, waxaa caado u ah in cidiyaha la marsado waxyaabaha la isku qurxiyo ka hor farxada maalintaas
Haddii aad doonaysid in ubax aad u iibsato maalinta Jaceylka , meesha ugu wanaagsan ee ay tahay in aad imaato ayaa ah Kenya oo ka mid ah dalalka ugu waawayn ee dhoofiya Ubaxa sida kan oo kale oo aad ka heleyso caasimadda Nairobi.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Kenya waxay ka mid tahay dalalka ugu waawayn ee dhoofiya Ubaxa sida kan oo kale oo aad ka heleyso caasimadda Nairobi.
Arbacaddii taageerayaasha hogaamiyaha mucaaradka , Bekele Gerba, ee dalka Itoobiya ayaa isu soo baxay si ay ugu dabaal dagaan siidayntiisa.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Arbacaddii taageerayaasha hogaamiyaha mucaaradka ee dalka Itoobiya , Bekele Gerba, ayaa isu soo baxay si ay ugu dabaal dagaan sii dayntiisa.
Arbacadii waxay ahayd maalinkii saddexaad ee dibadbaxyada looga soo horjeedo dowladda Itoobiya waxa ayna ak dhacayeen gobolka ugu wayn ee Oramiya , waxa ayna dalbanayeen in xabsiga laga siidaayo siyaasiyiinta iyo Saxafiyiinta .

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Arbacadii waxay ahayd maalinkii saddexaad ee dibadbaxyada looga soo horjeedo dowladda Itoobiya waxa ayna ka dhacayeen gobolka ugu wayn ee Oramiya , waxa ayna dalbanayeen in xabsiga laga siidaayo siyaasiyiinta iyo Saxafiyiinta .
Rai'sul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desaleg oo si lama filaan ah shalay isu casilay

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Rai'sul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desaleg oo si lama filaan ah shalay isu casilay
Habeennimadii arbacada madaxwaynihii Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa ugu dambayntii ku dhawaaqay is casilaadiisa ka dib cadaadis xooggan oo lagu saaray in uu xilka ka dago

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Habeennimadii arbacada madaxwaynihii Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa ugu dambayntii ku dhawaaqay is casilaadiisa ka dib cadaadis xooggan oo lagu saaray in uu xilka ka dago
Maalinkii xigtay ku xigeenkiisa Cyril Ramaphosa ayaa lagu dhawaaqay in uu yahay madaxwaaynaha Koonfur Afrika , kulan ay baarlamaanka yeesheen oo ahaa mid farxad iyo heeso ay hareeyeen.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Maalinkii xigtay ku xigeenkiisa Cyril Ramaphosa ayaa lagu dhawaaqay in uu yahay madaxwaaynaha Koonfur Afrika , kulan ay baarlamaanka yeesheen oo ahaa mid farxad iyo heeso ay hareeyeen.
Khamiistii dadka Zimbabwe ayaa waxa ay isugu soo baxeen afaafka hore ee xafiiska hogaamiyihii mucaardka Morgan Tsvangirai si ay xushmad ugu muujiyaan ka dib markii lagu dhawaaqay in uu dhintay isaga oo ay da'diisu ahayd 65 jir.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Khamiistii dadka Zimbabwe ayaa waxa ay isugu soo baxeen afaafka hore ee xafiiska hogaamiyihii mucaardka Morgan Tsvangirai si ay xushmad ugu muujiyaan ka dib markii lagu dhawaaqay in uu dhintay isaga oo ay da'diisu ahayd 65 jir.