Dadkii ka badbaaday toogashadii Florida oo dibadbaxyo qorshaynaya

Xigashada Sawirka, Reuters
Dhalinyaro ka badbaaday toogashadii ka dhacay iskuulka ku yaalla gobolka Florida ayaa dalbanaya in la sameeyo siyaasad lagu xakamaynayo hubka.
Ardayda ayaa sheegaysa inay doonayaan in dood laga yeesho xakamaynta hubka ee dalka Maraykanka iyo sidii laga yeelli lahaa.
Weerarkaasi oo lagu laayay 17 qof ayaa noqday kii ugu darnaa ee Maraykanka ka dhaca tan iyo sanadii 2012-dii
Dibadbaxayaal shallay Maraykanka ku mudaaharaday ayaa ku qeylinayay ' Ceeb ayaa dushiin ahaatay ' iyagoo ula jeeday xilibaanada iyo madaxweynaha Maraykanka.
Madaxweyne Donald Trump oo arrinkan toogashada iyo xakamaynta hubka ka hadlay ayaa eedayn u jeediyey xisbiga dimoqraadiga iyo maamulkii madaxweyne Obama.
Waxaa la qorshaynayaa inay dhacaan banaanbaxyo waawayn oo arrinka loogu ololaynayo iyo sidii hubka loo xakamayn lahaa.
Sabtidii la soo dhaafay ayaa arday, waalidiin iyo siyaasiyiin badan waxay ka qaybqaateen ololahan socda ee hubka.
Xakamaynta hubka ayaa dalka Maraykanka waxay mudaba ka ahayd muran dhexyaalla siyaasiyiinta labada xisbi ee Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga
Masiibada toogashada ee dhowaanta dhacday waxuu keenay muran cusub iyo su'aalo la iska weydiinayo hubka iyo xakamayntiisa












