Hogaamiye caan ah oo ka tirsan Kurdiyiinta Suuriya oo la xiray

Saleh Muslim, ayaa ka mid ahaa guddoonka dhaqdhaqaaqa Kurdiyiinta ee (PYD)

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Saleh Muslim, ayaa ka mid ahaa guddoonka dhaqdhaqaaqa Kurdiyiinta ee (PYD)
Published

Hogaamiye caan ah oo ka tirsan kurdiyiinta Suuriya ayaa lagu xiray caasimadda jamhuuriyadda Czech ee Prague.

Xiritaanka hogaamiyahan ayaa ka dambeeyay ka dib markii ay dowladda Turkiga soo saartay warqad lagu soo xirayo.

Saleh Muslim, oo ka mid ahaa guddoonka dhaqdhaqaaqa Kurdiyiinta ee loo soo gaabiyo (PYD), ayaa la sheegay in la xiray maalintii shalay ahayd.

Dowladda Turkiga ayaa warqada lagu soo xiray hogaamiyahan soo saartay sanad ka hor , waxaana imika laga yaabaa in ay Turkiga dalbadaan in loo soo gacan galiyo.

Xukuumadda Ankara ayaa ninkan u aragta in uu yahay argagixiso, waxa ayna xarigiisa dul dhigtay 1 milyan oo doolar.

Warka ku saabsan xarigiisa ayaa waxa sheegay xisbiyada mucaaradka Turkiga , sidoo kale booliiska dalka Czech ayaa iyaguna u xaqiijiyay xarigiisa wakaalada wararka ee AFP.

Turkiga ayaa u arka PYD in ay yihiin garab ka tirsan kooxda PKK

Dowladda Turkiga ayaa imika wadda howlgal militari oo ka dhan ah Kurdiyiinya ku sugan magaalada Afrin.