khubaro caalami ah oo ka qeyb qadan doonto baaritaannada suntii loo adeegsaday Sergei Skripa

Boris Johnson

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Boris Johnson
Published

Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Britain ayaa sheegaya in khubaro caalami ah oo ku takhasusay hubka kiimikada ay isniinta soo socota baaritaanno ku sameyn doonaan suntii loo adeegsaday in lagu sumeeyo Sergei Skripal oo ka tirsanaan jiray sirdoonka Ruushka iyo gabar uu dhalay.

Xukuumadda London waxay sheegeysaa in suntaasi la ogaaday in lagu sameeyay dalka Ruushka balse xukuumadda Moscow ayaa sheegeysa in ay suurtagal tahay in waddamo kale lagu sameeyay.

Xukuumadda Moscow ayaa kal hore beenisay in ay ku lug leedahay weerar lagu sumeeyay Sergei Skripal oo ka tirsanaan jiray sirdoonka Ruushka iyo gabadhiisa Yulia Skripal oo hadda caaladdooda caafiamad ay aad u liidato.

Dolwadda Britain ayaa ku adkeysanayso in Skripal iyo gabadhiisa loo adeegsaday sun aad u daran oo waxyeeleysa habdhiska dareenwadka waxaana ay arrintaasi ku eedeysay dowladda Ruushka.

Ra'iisalwasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegtay in ay dalkeeda ka ceyrinayaan 23 diblomaasi oo Ruushka u dhashay, arrintaa oo keentay in Ruushkuna uu ku hanjabo in uu dalkiisa ka ceyrinayo diblomaasiyiin u dhashay Britain.

Sergei Skripa

Xigashada Sawirka, FACEBOOK

Qoraalka sawirka, Sergei Skripa

Dhanka kale, dowladda Ruushka ayaa sheegtay in dalkeeda ka ceyrinayso 23 diblomaasi oo u dhashay dalka Britain.

Wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ayaa sheegtay in diblomaasiyiinta ka hawlgala safaaradda Britain ee Moscow dalka laga musaafurin doono muddo toddobaad gudihiis ah.

Tallaabadan ayaa jawaab u ah go'aanka Britain ay dalkeeda uga eriday 23 diblomaasi oo u dhashay dalka Ruushka.