Dowladda Suuriya oo sheegtay in 80% ay la wareegtay bariga Quuda

Suuriya

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Suuriya
Published

Ciidamada dowladda Suuriya ayaa duulaankooda ka dhanka ah goobaha ay ka taliyaan fallagada ee bariga Quuda waxa ay cadaadis xooggan ku sii saarayaan deegaanadaasi.

Telefishinka qaranka ee Suuriya ayaa sheegaya in milatariga dalkaasi uu fallaagada ugu baaqayo in ay si deg deg ah uga baxaan magaalada Harasta oo la rumeysan yahay in ay tahay degmada ugu yare e ay mucaaradku maamulaan agagaarka Damascus.

Dowladda Suuriya ayaa sheegaysa in xoogaggeeda ay hadda maamulaan boqolkiiba siddeetan deegaanada bariga Quuda.

In kabadan 20 kun oo qof oo rayid ah ayaa lagu soo waramayaa in ay halkaasi ka qaxeen maanta oo Axad ah.

Kooxaha xaquuqul insaanka ayaa sheegaya in in kabadan kun qof oo rayid ah lagu dilay gulufka ay dowladda ku qaaday deegaanadaasi ku yaala bariga Quuda.

Dowladda Suuriya ayaa bishii la soo dhaafay bilowday dagaal ballaaran oo ay dib ugu qabsaneyso Bariga Ghouta, oo u dhow caasimadda Dimishiq.

Qaramada Midoobay ayaa weerarradaasi ku tilmaantay "kuwo aan la aqbali karin", iyadoo sheegtay inay waxyeello ba`an ka soo gaarto rayidka.

Milatariga dalkaasi ayaa lagu eedeeyay inay beegsadaan shacabka, balse waxay ku andacoonayaan inay isku dayayaan xoreynta gobolka - oo ka mid ah goobaha ugu dambeeya ee ay mucaaradku ku xooggan yihiin.