Qabaa'illo Soomaaliyeed oo ku heshiiyay in qofkii ruux dila la dilo

Xigashada Sawirka, AFP
Published
Ka dib todobaadyo ay socdeen wada hadallo, ayaa gobolka Sanaag waxaa lagu saxiixay heshiis nabadeed oo u dhexeeya laba beelood oo ay hore colaadi uga dhaxeysay.
Heshiiskan waxaa looga gol-leeyahay sidii loo soo afjari lahaa dilalka aargoosiga ah ee u dhaxeeyay beelahan.
Labadan beelood ayaa ku heshiiyay in dil lagu xukumo qofkii lagu helo dambi ah in uu geystay dil aargoosi ah, ama wuxuu qoyska qofkaasi bixinayaa boqol kun oo Doollar oo ganaax ah.
Colaadda labada beelood dhex taallay ayaa ahayd mid muddo dheer jiitamaysay.
Mas'uuliyiinta jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa garwadeen ka ahaa heshiiskaasi nabadeed.








