Qaxooti badan oo ka soo qaxay Itoobiya oo soo gaaray dalka Kenya.

Qoraalka Codka, Qaxootiga itoobiya
Published

ku dhowaad 10,000 oo qaxooti ka yimid Itoobiya ayaa ka soo gudbay xadka udhaxeeya Kenya iyo Itoobiya, iyagoo raadinaya hoy iyo ammaan.

Waxay ay dadkani soo qaxay sheegeen in ay naftooda la soo carareen ka dib dilal ay milatarigu u gaysteen dad rayid ah .

Itoobiya ayaa waxa taagnayd xiisad tan iyo intii uu xilka iska casilay ra'isul wasaarihii dalkaasi oo si lama filaan ah xilka uga dagay.

Iscasilaada rai'sul wasaaraha ayaa waxaa dalkaasi lagu soo rogay xaalad degdeg ah.

Weriyaha BBC-da Bashkas Jug Soo Dhacay oo ku sugan magaalad xadka ku taalla ee Mooyaale oo ah halka ay qaxootigaasi ku sugan yihiin ayaa warbixintan halkaasi inooga soo diray