Biyo la'aan baahsan oo ka jirta qeybo ka mid ah gobolka Bari

Qoraalka Codka, Biyo la'aan baahsan oo ka jirta qeybo ka mid ah gobolka Bari
Published

Iyadoo maanta dunida laga xusayo maalinta caalamiga ee hiyaha ayaa waxaa biyo la'aan baahsan lagu soo sheegayaa in ka badan 50 tuulo oo ka tirsan gobolka Bari, kaddib markii uu jabay Ceelka kaliya ee tuulooyinkani biyaha ka heli jireen.

Dadka deegaanka ayaa intii awoodda waxay biyo iib ah ka doontaan meel ilaa 120 KM u jirta.

Faadumo Macallin Abuukar ayaa arrintaasi ka wareysatay Cabdullaahi Dacar Siciid oo ka mid ah dadka deegaanka Ceel-gaal oo 80 KM u jira Qandala, kana mid ah tuulooyinka ay sida ba`an u saameysay biyo la'aanta.