Maxkamad xukuntay rag dilay nin hilib Lo'aad sitay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxkamad ku taalla gobolka Jharkhand ee waqooyiga India ayaa 11 nin ku xukuntay xabsi daa'in, ka dib markii nin muslin ah oo hilible ah ay sannadkii hore dileen.
Alimuddin Ansari oo 55 jir ah ayey ragaas garaacid nafta kaga qaadeen mar uu hilib lo'aad siday.
Waa markii ugu horraysay ee India lagu xukumo dadka iskood isu dira ee ka dagaallama in lo'da la qasho, walow dhowrkii sano ee u dambeeyey muslimiin la weeraray.
Dadka aaminsan diinta Hinduuga ayaa u haysta in Lo'du tahay mid muqaddas ah, dilkeedana wuxuu mamnuuc ka yahay dhowr gobol oo uu ku jiro Jharkhand.
Shilalka noocan ah ayaa ah kuwo ka dhaca India oo soo badanaya, baaritaannada uu boolisku sameeyana aakhiritaanka waxay noqdaan kuwo lagu hungoobo.
Wiil uu dhalay Mr Ansari oo la yiraahdo Shabhan Ansari wuxuu sheegay in qoysku ay "ku qanceen" xukunka, wuxuunse sheegay inay ka xun yihiin inaysan magdhaw ka helin xukuumadda gobolka.
Iyadoo saxaafadda kula hadlaysay dibadda maxkamadda ayaa xaaskii uu ka geeriyooday Mr Ansari oo la yiraahdo Maryam Khatun waxay sheegtay in geerida saygeeda ay ahayd mid xanuun badan, balse aysan doonayn in dhiig kale uu daato.








