Soomaalida Mareykanka oo doonaya in ay saameyn ku yeeshaan sharciga socdaalka ee dalkaasi

Qoraalka Codka, Soomaalida Mareykanka oo doonaya in ay saameyn ku yeeshaan sharciga socdaalka ee dalkaasi
Published

Koox ka tirsan bulshada Soomaalida ee dagan gobalka Minnesota iyo qareeno ka socda haayadaha xuuqul insaanka ayaa maalmahan ku sugaanaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka si ay ula kulmaan sharci dejiyaasha waddankaasi Marakanka.

Kooxahani ayaa donaya in hidise-sharciyeedka laanta socdaalka ee dalkaasi Mareykanka oo hadda horyaalla xildhibaanada Kongareeska in ay kala hadlaan sidii wax looga badali lahaa islma markaana loogu soo dari lahaa qodobbo dhaxal gal u ah bulshada Soomaalida.

Maxamuud Xasan oo loo yaqaan BBC oo u ololeeya arrimaha Soomaalida Maraykanka ayaa ujeeddadooda waxaa uu uga waramay weriyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xuseen Shiine.