Fallaagada Suuriya oo billaabay in ay ka baxaan qaybo ka mid ah bariga Quuta
Dagaalyahannada fallaagada reer Suuriya iyo qoysaskooda ayaa billaabay in ay ka baxaan saddex magaalo oo ku yaalla bariga Quuda, xilli dowladda Suuriya ay isku dayayso in ay dhul ballaaran kala wareegto mucaaradka.
Magaalooyinka Zamalka, Arbin and Ceyn Tarma ayay hadda ka baxayaan fallaagada kaddib heshiis ay la galeen dowladda Suuriya waxaana ilaa hadda mucaardku ay ku hareen magaalada Dowma ee isla bariga Quuda.
Dagaalyahannada fallagadani iyo qoysaskooda ayaa ku wajahan gobolka Idlib oo uu wali mucaaradka dowladda ku xoogan yahay.
Boqolaal qof ayaa lagu dilay deeganaada bariga Quuda tan iyo intii ciidammadda dowladda Suuriya oo taageero ka helaya Ruushka ay billaabeen duullaan ka dhan mucaaradka bishii la soo dhaafay.
Haddaba xaaladda bani'aadanimo ee halkaasi ka jirta ayaanu ka wareysannaay Xuseen Yoonis oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobey, Bashiir Maxamed Caate ayuuna u waramay.