Maxaa xiga iscasilaadda Jawaari?

Qoraalka Codka, Maxaa xiga iscasilaadda Jawaari?
Published

Iyadoo shalay uu is casilay guddoomiyihii baarlamaanka Soomaaliya Maxamed sheekh Cusmaan Jawaari, kaddib markii golaha baarlamaanka ay muddo todobaadyo ah ka dhex taagneyd xiisad siyaasadeed iyo kala qaybsanaan, ayaa waxaa la is weydiinayaa waxa xiga is casilaadda guddoomiyaha?

Su`aashaas iyo kuwo kale, ayaan weydiinnay Abdullahi Hirsi Cilmooge, oo soo qabtay xilalka wasaaradda Warfaafinta, boostada isgaarsiinta, iyo wasaaradda duulista iyo hawada. Hadana ah, godoomiyaha xisbiga Xiis. Weriyaha BBC-da Mohamed Haji Hussien Shiine oo waraystay ayaana marka hore waydiiyay bal siduu u arko iscasilaadda Jawaari.