Israa’iil oo baareysa vidio muujinaya askar nin ree falastiin ah tooganaysa

Milatariga Israa'iil ayaa sheegay in ay baarayaan vedio laga duubay askar si aan qarsoodi ahayn u tooganayo nin aan hubeysnayn oo ree falastiin ah.
Muuqaalka oo si ballaaran ay dadku ugu wadaagayeen barta internetka sidoo kalana laga sii daayay taleefishin laga leeyahay Israa'iil ayaa waxaa cambaareeyay siyaasiyiin Israa'iil u dhalatay.
Muuqaalka oo la baahiyay maalintii Isniinta ayaa waxa uu muujinayaa saddex nin oo u soo dhawaanaya darbiga xadka.
Kaddib waxaa la maqlayaa wax u muuqdo dhawaqa rasaas, iyadoo mid ka mid ah raggaasi oo u muuqanayay mid aan hubeysnayn uu inta argagaxay bartii uu taagnaa ka dhaqaaqi waayay, kaddibna uu dhulka ku soo dhacay.
Kaddib waxaa la maqlayaa codka qof ku hadlay luuqadda Hebrew oo leh waaar waa muqaal wanaagsan, maxaa ku dhacay garacii….
Intaa kaddibna waxaa la arkayaa dad badan oo meesha u kala ordaya si ay u soo qaadaan ninka la toogtay, xaaladdiisa sida ay tahayna markaasi ma aanay kala caddeyn.
Milateriga Israa'iil ayaa sheegay in toogashada oo u muuqata inay ka dhacday xadka Israa'iil iyo Gaza ay dhacday dhowr bilood ka hor.
Kiiskan ayaa imanaya xilli ay cirka isku sii shareerayso xiisadda ka taagan Marinka Gaza.
Xildhibaan Ayman Odeh oo ka tirsan Carabta Israa'iil ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay in muuqaalku uu dadka argagax ku abuurayo, waxa uuna ku baaqay in maxkamad la soo taago kuwii ka dambeeeyay.
Israa'iil ayaa waxaa si xooggan loogu dhaleeceeyay toogashada tobannaan Falastiiniyiin ah, kuwaas oo qaarkood si ba'an loo beegsaday, waa laba todobaad ka hor intii ay socdeen isku dhacyada ciidammada Israa'iil iyo dibadbaxayaal ku sugnaa meel u dhaw xudduudda.
Israa'iilna waxa ay difaacday tallaabooyinka ay qaadday iyadoo sheegtay in ay rasaas caadi ah ku ridday shakhsiyaad isku dayay inay ka soo tallaabaan dayrka xuduudda, ama kuwo watay iyo walxaha qarxa.












