Hogaamiyayaasha Jaamacadda Carabta oo kulan ku yeelanaya Sacuudiga

Kulanka ayaa ka dhacaya magaalada Dhahra

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Kulanka ayaa ka dhacaya magaalada Dhahra
Published

Hogaamiyayaasha dalalka Carabta ayaa kulan ku yeelanaya magaalada ku taalla bariga dalkaasi ee Dhahra.

Kulankan ayaa ah mid sanadla ah oo ay yeeshaan ururka jaamacada Carabta.

Waxyaabaha diiradda lagu saari doono waxaa ka mid ah dagaalka dalka Suuriya.

Dowladda Sacuudiga oo shirkani marti galinaysa ayaa ka codsatay wadamada Carabta in ay xoojiyaan dadaaladooda looga hortagayo galaangalka sii kordhaya ee ay dowladda Iiraan ku leedahay gobolka.

Ergada wadamada jaamacadda Carabta ayaa waxaa sidoo kale lagu wadaa in ay ka wadaxaajoodaan dhibaatooyiinka ka taagan Liibya iyo Yemen .

Tillaabadii dublamaasiyadeed ee ugu dambeeysay ee ay qaadaan wadamada Jaamacadda Carabta ayaa ahayd markii 2011 ay joojiyeen Xubinnimadii Suuriya ee ururkaasi.