4/10 dhallinyarada Kenya ayaa nolol wanaagsan raadsada: Warbixin

Xigashada Sawirka, AFP
Musuqmaasuq, cadaalad darro iyo nin jeclaysi ayaa loo arkay in ay la hareen quwaynta dhallinyarada Kenya, sida lagu xusay warbixin ay soo saartay British council.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in 10kii dhallinyaro ah 4 ka mid ah ay doonayaan inay dalka iskaga tagaan, iyagoo doonaya inay helaan fursado wanaagsan.
Warbixinta, oo loogu magac daray Jiilka xiga ee Kenya, ayaa lagu saleeyey sahan laga sameeyey 4,000 oo ah dhallinyaro da'doodu u dhaxayso 15-24, kuwaasoo dalka oo dhan ku nool.
Dhibaatada ugu weyn ee haysata dhalinyarada ayaa ah cabsi ay ka qabaan shaqo la'aanta ka jirta dalka Kenya, iyadoo ku dhawaad 39% oo ah dhalinyarada dalka ay yihiin shaqo la'aan, taas ayaana noqonaysa tirada ugu badan ee bariga Afrika.
Waxaa jira qaar isku dayaya inay ganacsi abuurtaan, balse waxa ay ka cabanayaan in aysan haysanin kharash ay ku billaabaan ganacsiga.
Waxaa ay dhalinyarada dareensan yihiin in fursadaha shaqo ee soo baxa aan lagu bixinin si cadaalad ah balse lagu bixiyo si nin jeclaysi ah ama si musuqmaasuq ah.
Waxaa laga muujiyey walaac iyo cabsi badan arrintaa, iyadoo badanaa shirkadaha ay jeclaystaan inay shaqo galiyaan jiilkii hore ama dadka da'da weyn.
Nidaamka waxbarashada ee dalka Kenya ayaa loo arkay inuu ka gaabiyey inuu dhallinyarada siiyo xirfadaha ay u baahan yihiin inay ku shaqaystaan qarniga 21aad.
38% oo kaliya ayaa aad ugu qanacsan ku lug lahaanshaha ay ku lug leeyihiin siyaasadda iyo go'aan gaaridda, marka la barbar dhigo 78% oo reer Tanzania ah oo iyaguna sidaa rumaysan.il.












