Maxay tahay sababta madaxweyne Erdogan uu doorashada wakhtigeeda uga soo hormariyay?
Published
Iyadoo shalay madaxweynaha Turkiga Racceb Tayyip Erdogan uu ku dhawaaqay doorasho madaxtinnimo iyo mid barlamaan oo muddo sanad ah wakhtigooda laga soo horumariyay, ayaa waxaa la isweydiinayaa waxa go'aankaasi ku dhaliyay.
Madaxweyne Erdogan ayaa shaaciyay in doorashooyinkaasi ay dhici doonaan 24-ka June, si loo helo hogaamiye awood buuxda leh.
Haddaba maxay tahay ujeeda dhabta ah ee Erdogan uu doorashada muddadeeda uga soo horumariyay?
Su'aashaasi iyo kuwo kale waxaa ka jawaabaya Mustafe Maxamed Cali Caadle oo ka faalooda arrimaha siyaasadda isla markaana shahaadada PHD-da ka diyaarinaya Jaamacadda Ankara Yildrim Beyazit ee ku taalla caasimadda Ankara ee dalka Turkiga, Xasan Cali Geele.