Cabsi dhanka ammaanka ah oo saameysay waxbarashada carruurta Soomaalida woqooyi bari Kenya
Cabsi dhanka amniga ah oo ka taagan woqooyi bari Kenya ayaa halis ku noqotay waxbarashada gobolkaasi kaddib markii macallimiin iskuulada gobolka wax ka dhigayay oo ka soo jeeda qeybaha kale ee Kenya ay dalbadeen in gobolkaasi laga badalo.
Arrintan ayaa salka ku haysa dilka saddex macallin oo bishii Febraayo lagu dilay deegaanka Wajeer, waxaana dilkaasi lagu eedeeyay xarakada Al-Shabaab.
Macallimiinta doonaya in gobolka laga baddalo ayaa ku doodaya in saddexdaasi macallin loo dilay sababo la xiriira diintooda balse arrintan ayaa saddexdii sano ee la soo dhaafay ka taagnayd gobolka.
Weriyaha BBC-da Ciise Xaaji Cabdulle oo dhawaan safar shaqo ku tagay magaalada Wajeer ayaa u kuur galay sida cabsidan dhanka ammaanka ah ay saameyn ugu yeelatay waxbarashada, warbixintan ayuuna ka diyaariyay.